Jabuuti(pp) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo caasumaad rasmiya ka helay madaxda Jabuuti ayaa soo dhawayn diirran waxa uu kala kulmay madaxda dalkaasi.
Garoonka diyaaradaha magalada Jabuuti wafdiga uu horkacayo Dr.Gaas waxaa kusoo dhaweeyay wasiiro Jabuuti ka tirsan iyo waliba masuuliyiinta Puntland u fadhiya wadankaasi.
Waxaa lagu wadaa Gaas inuu madaxtooyadda Jabuuti kula kulmo madaxda wadankaasi oo ay ugu horeeyaan madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdiqaadir Kaamil Maxamed waxayna ka wada hadli doonaan sidi loosii xoojin lahaa wada shaqaynta iyo xiriirka Jabuuti iyo Puntland ka dhaxeeya.
Sidoo kale Gaas ayaa kulan saacado qaadan doono la yeelan doono rugta ganacsiga Jabuuti iyo waliba Soomaalida halkaasi ku dhaqan.
Inta uusan gaarin Gaas Jabuuti waxa uu sii maray dalka Itoobiya oo uu uga soo duulay Jabuuti.
Haddaba hoos ka daawo Sawiiro ay nasoo gaarsiiyeen madaxda Puntland ee u jooga Dalka Jabuuti.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe