Kismaayo: (pp)- Wafddi uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah Culimada ka soo jeeda deegaanada gobbolada Jubbooyinka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarrunta gobbolka Jubbada hoose, ayadoo markii ay wafddigaasi ka soo dageen garoonka diyaarada Kismaayo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen masuulyiin ka tirsan maamulka magaalada Kismaayo iyo qeyba kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalda Kismayo.
Daawo Soo dhoweynta Sheekh Shakuul
Intaasi kadib ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaarada Kismaayo waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamul gobboleedka Jubbaland kaasoo haatan shirkii lagu dhisi lahaa uu ka socda magaalada Kismaayo. “Kadib markii aan arkay dhibaatada soo noq noqtay ee deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo waxaan go’aan ku gaaray in si aan dhibaatadaasi wax uga qabto aan isku soo sharaxo xilka madaxweynanimo ee maamulka Jubbaland,”ayuu yiri Sheekh Shakuul mar uu wariyaasha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kula hadlaayay.
Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul ayaa sidoo kale sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka madaxweyninimno ee Jubbaland uu dadka ku nool deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo uu qaban doono waxyaabo badan kuwaasoo ay kamid yihiin. “Haddii aan ku guuleysto xilka madaxweynanimo waxyaaba aan wax ka qaban doono waxaa ka mid noqon doona, Dhanka waxbarashada, Caafimaadka, Wasaaradaha, iyo hormarka deegaanka,”ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul ayaa waxaa uu garoonka diyaarada Kismaayo kula hadlay qaar kamid ah haweenka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo ka mid ahaa dadkii sida wanaagsan u soo dhaweeyey Sheekha.
Puntlandpost, Xafiiska Magaalada Kismaayo