Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Galkacyo oo laga bilaabatay ka hortaga gaadiidka bilaa sharciga ah & kuwa bacaha madow “Sawiro”.

$
0
0

Gaalkacyo (pp) Maamulka gobolka Mudug gaar ahaan Laamaha amaanka ayaa maantay ka bilaabay Dagmada Galkacyo holw-gal balaaran oo amaanka ku saleysan,kaasoo natiijo wanagsan laga sugayo.

IMG_3284

Wadooyinka Galkacyo ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Ciidanka amaanka oo ku howlan qabashada gawaarida ay ku xiran yihiin bacaha madow.

IMG_3293 Gawaarida bacaha madow lagu xiron ayaa qaarkood waxay ka qayb  qaataan amni xumada Dagmada iyo sidoo kale afduubaka ardayda gobolka oo qaarkood lagu duro irbado aan la qoon nooca ay yihiin iyo danta laga leeyahay.

IMG_3288 Howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ah gawaarida aan  taarigada laheyn iyo kuwa aan canshuurney gawaari bada ayaana lagu xiray xarunta qeybka bileyska  gobolka mudug .

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Axmad muuse Nuur ayaa sheegay in ey talaabo ka qaadi doonaan gawaarida canshuur la’aanta ah iyo kuwa ey ku xiran yihiin bacaha madow ee Gobolka.

IMG_3294

IMG_3288
Mahan markii ugu horeysay oo maamulka gobolka ay sheegaan inay sharciga la tiigsan doonaan gawaarida leh muraayadaha madow  iyo kuwa aan taarigada laheyn iyo sidoo kale kuwa bilaa canshuurta ah..

Puntlandpost.com
Xafiiska wararka Galkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>