Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Jaamacadda PSU oo bilowday bixinta Shahaadada Master Degree (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Iyadoo jaamacadda Puntland State University ay sanadkaan gashay jaamacadda ugu wanaagsan Jaamacadaha gayiga ayaa hadana waxay maanta soo bandhigtay arrin ay ardaydda Puntland ku farxaan ka dib markii ay dhigeeda Kenya ee Jommo Kenyata Universaty ay la saxiixatay heshiis cadaynaya PSU Inay bixinta karto Shihaadaa Master Degree.

130Kulan arrintaasi warbaahinta loogu soo bandhigayo ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda waxana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda Jaamadda Kenyaata,wasiir ku xigeenka waxbarashada,mamulka PUS iyo ardaydda dhigata.

67Gudoomiyaha Jaamacadda PSU Mudane Maxamuud Shiikh Xaamud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay marka hore inay aad ugu faraxsan yihiin in shacabka Puntland si dhib yar Puntland loogu keeni Shihaadda Master Degree iyadoo lagu diyaarinayo Agriculture and Technology.

78Maxamuud Shiikh Xaamud ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loosii hormarin lahaa maadooyinka ay Jaamacaddu bixiso wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay sidi ardaydda looga saacidi lahaa helitaanka Shihaadada Masterka oo dibadda inta badan loo aadi jiray.

220
Wasiir ku xigeenka wasarada waxbarashada Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay inay tahay wax lagu ammaano arrinta ay soo bandhigat Jaamacadda PSU wuxuna Dr,Maxamed sheegay in ardaydda looga baahan yahay inay fursadaan qaaliga ah ka faa’iidaystaan.

57Heshiiskan cusub oo ay Jaamacadda PSU la gashay tan Kenya ee la yiraahdo Jomma Kenya University ayaa waxa uu noqonayaa mid dhabada usoo xaaraya kor u kaca hormarka ay samaynayaan Jaamacaddaha Puntland.

410Wasaradda waxbarashada ayaa dhankeeda sheegtay inay tayaynayso tacliinta sare waxna laga qaban doono baahiya jaamacadaha Gudaha ka jira.86 314

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>