Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

In ka badan kun qof oo howlgalo Muqdisho ka dhacay lagu soo qabtay (Dhagayso)

$
0
0

Muqdisho(pp) Tan iyo markii kooxda Alshabab ay weerar ku qaadeen xarunta madaxtooyadda Villa Somalia waxaa Muqdisho laga bilaabay howlgalo kala duwan oo amniga Muqdisho lagu adkaynayo.

0Inkastoo howlgaladaasi ay socdaan hadana kooxda dowladda kasoo horjeeda degmooyinka Banaadir qaarkood waxay ka fuliyeen qaraxyo iyo dilal qorshaysay oo ay dowladdu waxba ka qaban.

Taliyaha ciidanka booliska Somalia Gen.Cabdixakiin Daahir Saciid oo warbaahinta maalinkii shalay kula hadlay magalada Xamar ayaa sheegay howlgalo ay ciidanku fuliyeen in lagu soo qabtay dad gaaraya 1,807 qof oo u badan dhalinyaro balse baaritaan lasoo gabo-gabeeyay ayaa waxaa laga xushay 128 qof oo uu taliyihu ku sheegay in kooxda alshabab looga shakiyay.

Howlgaladda Muqdisho ka socda ayuu Saacid ku tilmaamay inay tahay kuwo nabadgalyada lagu sugayo macdamaa ay Alshabab sii labo laabeen weerarada iyo qaraxyadda ay ka gaysanayaan magalada.

Kooxda Alshabab ayaa wacad ku martay in ay dib ula wareegi doonaan deegaanadda laga qabsaday waxayna sheegeen ciidamadda dalka ku sugan iyo hay’addaha samafalka inay isku mid u yihiin.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles