Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

OHIO – Taageero Dhismaha Dowlad-Gobolleedka Jubbaland.

$
0
0

Ohio: (pp)-  Somalida kunool Gobolka Ohio ee waqooyiga Amerika iyo ururka dhalinyarada nabad-doonka ah ee Gedo ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray guusha dhismaha Dowlad-Gobolleedka cusub ee Jubbaland.

 

Ohio oo laga taageeray dastuurka cusub ee  Jubbaland State

Ohio oo laga taageeray dastuurka cusub ee Jubbaland State

Goobjooge-yaalka ayaa waxaa ka ahaa Gudigga Aqoonyahanadda dhalinyarada ee Gedo, kuwa Jubbooyinka iyo Xubno ka kala socda dhamaan Somalida ku nool Gobolka Ohio, waxaa ayna dhamaantood umuujiyeen taageero buuxda oo ku aadan rabitaanka shacabka Jubbooyinka oo ah inay maamul ugooni ah sameysteen ayagoo tixraacaya oo aanan jabin xeerka Dastuuriga Federalka. Shirkan ayaa waxaa qadka Talefonka ku furay, Gudoonka sare ee Ganacsatadda Somaliyeed ee Waqooyiga Amerika, Dr. Mayran Ali Omar (Maryan Gaabo) oo ilaa hadda kusugan, qeyb lixaad lehna ka heysa shirkaa halkaa magaalada Kismaayo.

Shirkaan lagu soo dhaweeyey dhismaha maamulka Jubbooyinka ayaa waxaa hadal gaaban ka jeediyay, Mr.

Abdikhayr Sheikh Sofe oo ah madaxa sare ee Xafiiska Mayorka Columbus, una uqaabilsan xiriirka jaalliyadaha cusub ee Gobollkan asagoo Jubbaland ku tilmaamay arin ku haboon in aad lasoo dhaweeyo kana codsaday shacab-weynaha Gedo inay aqbalaan dastuurka cusub oo ay Odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahanada Deegaanka saxiixa ku dhufteen. Mr. Abdikheyr Sofe ayaa ah aqoonyahan looga-qaateen ah kana soo jeeda Gobolka Gedo Gaar ahaan Magaalada Baardheere. Abdikhayr ayaa ka mid ahaa aqoonyahanaddii aassaasay Jaamacada University of Gedo iyo College-ka hadda loo yaqaan Baardheere Polytechnic.

Sidoo kale, Madaxa hey’adda samafalka SADE International Mr. Xirsi Faarax oo aan goobta kula hadalnay ayaa isagana inoo sheegay in ay taageero buuxda uhayaan Jubbaland. Sidoo kalena, baaq udiray odayaasha iyo maamulka Jubbaland inay dib uheshiisiin usameeyaan dhamaan beelaha Somalida ee degan sadexda Gobol si loo helo ayuu yiri nabad waarta.

Isla goobta sidoo kale, kula hadalnay Mr. liibaan Buule, Maamulka GEDO DIASPORA ahna Aqoonyahan kasoo Jeedda Degmada Baardheere, ayaa dowladda ka codsaday inay tixgaliyaan rabitaanka shacabka Jubbaland oo ay ixtiraamaan Axdiga Dastuurka Federalka.

Si kastaba ha ahaatee, maamulkan cusub ayaa kalsooni buuxda ka helay shacabka Gobolladaas iyo guud ahaan hay’addaha caanka ah sida IGAD, taasoo keeni karta in deganaan iyo xasilooni siyaasadeed loo helo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Abdilqadir Warsame Koofi-dhuub
Columbus, Ohio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>