Bosaaso(pp) Hay’adda Wadaniga ah ee TADAMUN oo ka howl gasha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa maanta xafiiskeeda magalada Bosaaso kuoo bandhigtay arrimihii ugu waa waynee ee sanadkii tagay u qabsoomay.
Madaxd ugu saraysa Hay’adda TADAMUN iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo qayb galay kulankan,waxana ugu horayntii sharaxaad dheeraad ah ka baxshay waxyaabihii qabsoomat 2013-ka Gudoomiyaha Hay’adda Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan wuxuna sheegay in guulo waa wayn ay sanadkii lasoo dhaafay ay gaareen.
Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan arrimaha ay qabteen inay ka mid yihiin dhanka waxbarashada,caafimaadka,biyaha iyo ka qayb qaadasha xaaladaha markaasi u baahan gurmadka deg deg ah sida roobabkii barafka watay ee ka da’ay deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal.
Arrimaha kale uu Cabdiraxmaan ka hadlay waxaa ka mid ahaa yoolka ay hiigsanayaan mustaqbalka dhow iyo qorshayaasha hay’adda u degan.
Madaxa mashaariicda TADAMUN Ibraahim Cabdullaahi Maxamad oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirka ka hadlay ayaa tilmaamay inay fuliyeen mashruucyo hormarineed kuwo kalana ay wadaan,wuxuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay inay xili kasta u taagan yihiin ka shaqaynta hormanka iyo caawinta dadka.
Hay’addaan oo ah mid khayri ah ayaa shaqaynaysay ilaa 1992-dii,waxayna xooga saartaa arrimaha ay dadku u baahan yihiin sida caafimaadka,waxbarashada,biyaha iyo gurmadka deg deg ah.
Dadkii kasoo qayb galay shirka sanad laha ee TADAMUN ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin howlaha ay Puntland ka wado.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso