Falanqaynta laacibka aduunka(pp) Sanadkaan bixinta biladda la yiraahdo Ballon d’Or way ka duwan tahay sanooyinkii lasoo dhaagay ee uu qaatay lacaabka aduunka Leo Messi,maxaa yeelay saddex laacib oo caalamka laga xiisaayo ayaa u taagan.
Caawa fiidkii xiliga geeska africa ayaa lagu wadaa in lagu qabto magalada Zurich dalka Switzerland munaasibad si ballaaran looga soo shaqeeyay oo lagu bixinayo bilada caalamka aduunka iyo kuwo kale oo ku hoos lamaan,waxana kasoo qayb gali doonaan dadwayne caan ka ah caalamka oo lagu caasumay.
Seddex ciyaaryahan ayaana isagu soo hartay oo kala ah Leo Messi, Cristiano Ronaldo iyo Franck Ribery iyadoo tababarayaasha xulalka qaranka iyo kabtanada iyo weliba suxufiyiin la xushay ay u codeeyeen seddexdaan ciyaaryahan oo ay ka soo dhex saareen 23kii ciyaaryahan ee u sharaxnaa abaalmarintan taasoo la soo saaray bishii October.
Laacib kasta waxa uu lee yahay sifooyin u gaar ah oo uu taageerayaashiisa ku qanciyo,balse Messi oo afartii sano ee lasoo dhaafay laacibka aduunka ku guulaystay ayaa la sheegayaa inuu sanadkaan gaabis ku yimi markuu la kulmay dhaawacyo kala duwan.
Haddaba Radio Garowe barnaamijkeeda ciyaaraha ayaa lagu lafo guray hoggaamiyaha sanadkaan noqon doono laacibka caalamka,barnaamijka waxaa soo diyaariyay Aniso Bootaan Ducaale iyo Siciid Soono,waxana ka qayb galaya Siciid Xasan Cabdi oo tababare macalin soo noqday iyo Cabdiqaadir Maxamed New oo ah hoggaamiyaha kooxda kubada cagta ee Horseed.
Haddaba yaad is-lee dahay caawa waa uu noqonayaa laacibka aduunka ugu wanaagsan?
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe