Hargaysa(pp) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo maanta ka dhoofay magalada Hargaysa ayaa soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub ee Puntland Dr.Cabiwali Maxamed Cali Gaas.
Siilaanyo ayaa soo dhaweeyay habka loo doortay madaxwayne Gaas,wuxuse sheegay madaxwaynaha cusub inuusan soo faro galin deegaanada Sool iyo Sanaag oo uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin mamulka Somaliland.
Axmed Siilaanyo ayaa maantey u dhoofay magalada Addis ababa wuxuna sheegay socdaalkiisa inuu yahay mid la xariira wada shaqaynta Somaliland iyo Dowladda Itoobiya.
Madaxwaynaha cusub e Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay magalada Laascaanood inaan faataxo lagu qabsan laguna soo celin doonin faataxo,hadalkaai oo u muuqda in dagaal lagu soo celin doono degaanada ka maqan Puntland.
Puntlandpost.com