Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Gaas oo ku baaqay in la xafido hantida dowladda(Dhagayso&VIDEO)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay in dhamaan hantida dowladda la dhowra,si hufanna ay usii shaqeeyaan mamuladda gobaladda iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ka dib shir jaraa’id uu maantey ku qabtay guriga uu Garowe ka dagan yahay.

Shir”Qof kasta uu masuul ah waxaa la farayaa in howshii loo igmaday uu sideedii u wato,wasiiradda,agaasimayaasha iyo mamuladda gobalada waxaa la farayaa in hantida dowlada la xafido sida agabka ciidanka iyo kuwo kale,waana lagula xisaabtami doonaa”.

Gaas ayaa sheegay inuu mudo 21-bari gudahood ah uu kusoo dhisi doono gollaha wasiiradda.

Ciidanka amniga ayuu sheegay madaxwayne Gaas inuu xurmo gaar ah siin doono,isla markasna ay si joogta ah u heli doonaan xaquuqda ay dowladda ku lee yihiin.

Lama garan karo sababta xiligan kusoo beegtay in madaxwaynaha dowladda Puntland ee cusub uu sheego in la xafido hantida dowlada,iyadoona uu wali xafiiska fadhiyo madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan Farole.

 

Cali Cabdi Ducaale

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>