Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Xildhibaanada ku Bahoobay Dalada Hiil Dastuur iyo Dimquraadiyada

$
0
0

Arbaco, 27, 11, 2013- 120 oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku bahoobay daladda Hiil Dastuur iyo Dimquraadiyadeed ayaa maanta kulan qado sharaf ah oo ay isugu yimaadeen waxay is tusaaleeyeen jaah-wareerka siyaasasdeed ee uu abuuray mooshinka lagu ridayo xukuumadda ee baarlamaanka loo gudbiyay. Waxayna tilmaameen in Mooshinku marin habaabinayo masiirka ummaadda uuna hakad galinayo habsami u socodkii hawlaha dawladda.

kulankii-baarlamaanka-28Shirkan oo ahaa midkii labaad mudo todobaad gudihiis ah oo ay yeeshaan Xildhibaanada (Hiil Dastuur iyo Demquraadiyad), ayay xil-dhibaanadu ku muujiyeen baahida loo qabo hagaajinta iyo ka talo bixinta ummadda aayatiinkeeda. Waxayna sheegeen inaysan ka ogolaan doonin cidii isku dayda inay carqalad galiso ama dib u celiso masiirka wanaagsan iyo horusocodka ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanadaan ayaa ku tilmaamay in mooshinka hada horyaal baarlamaanka uu yahay mid hor istaagaya howlihii ay xukuumadu waday, wuxuuna carqalad ku yahay wax ka qabashada masiibooyinkii ay gaystay duufaantii ku dhufatay
gobolada Puntland, Fataahada Wabiga Shabeele oo khasaaro xoogan u gaystay deegaamo ku yaala shabeelada hoose, iyo xalinta colaadihii soo noq noqday ee ka dhacayey gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose.

Gabagabadii kulanka ayaa xildhbaanadu baaq u direen shacabka Soomaaliyeed ee jecel dowladnimada inay ka dhiidhiyaan mooshinka la rabo in lagu rido xukuumada oo laga leeyahay dano siyaasadeed, taas oo ay wataan shakhsiyaad aan doonayn dowladnimada, sidoo kale waxay ugu baaqeen beesha caalamka in aysan indhaha ka qarsan kuwa ka shaqaynaya dib u celinta horumarka dalka iyo dadka.

Xildhibaan Saciid Maxamed Cali

U-xilsaaran Arrimaha Saxaafadda
Phone: +252 (0) 615493803


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>