Garoowe: (PP)_Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Puntland ayaa shaaca kaqaaday xeer cusub oo lagu dhaqi doono dadka kashaqeeya caafimaadka ee kahawlgala xarumaha caafimaadka ee deegaanada Puntland.
Dhegeyso: Khudbada Wasiirka Caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Puntland Dr: Cali C/laahi Warsame oo kahadlay maanta munaasabad lagu xusayay maalinta Qaaxada aduunka ayaa sheegay in xeerkani cusub uu ka dameeyay kadib markii ay soobateen dhibaatoyinka lagala kulmo dadka kashaqeeya xarumaha caafimaad ee Puntland,
Wasiirka ayaa waxa uu sigaara usoo hadal qaday ajaaniibta kashaqeeya xarumaha caafimaadka Puntland oo uu sheegay inay badankoodu kusoo galaan Puntland qaab sharci darro ah, ayna kadhega adeegeen inay iska diwaan geliyaan wasaaradda caafimaadka Puntland siloola socda shaqooyinka ay dalka ujoogaan.
Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in xeerkani uu xakamayn doono dhibaatoyinka Aafeyay bulshada Puntland ee dhanka caafimaadka khuseeya, waxaana uu wasiirka kuwargeliyay dhakhaatiirta ajaaniibta ah ee aan kadiwaan gashanayn wasaaradda inaysan kabixi karin garoonada duulimaadka ee magaaloyinka Puntland.
Xeerkani cusub oo ah mid uu sirasmiya usaxiixay Madaxweynaha dowladda Puntland Dr: C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) islamarkaasina ay meelmariyeen labada gole ee xukuumadda ayaa lasheegay in dhowaan ladhaqan gelindoono.
Puntlandpost_Xafiiska Garoowe