Horta Caqliweynow (Caqliweyne waa Abukar Awale – Qaad Diid. Magacyo kale oo badan baan bixiyey. Caqliweyne waxaan u qoondeeyey Abukar Awale, Markaan ogaadey Halganka uu ku jiro, dadka uu kula jiro & dadka uu ugu jiro. Waxaanse u hibeeyey isagoo halgankaa dheer wali ku jira, oon gaadhin guusha uu manta soo hooyey) http://www.raxanreeb.com/2013/06/nimankan-wax-la-isu-saar-anigana-sahal-wax-la-ii-saar-wq-ahmed-a-ali/
guushan aad manta soo hoysey waan kuugu hambalyeynayaa. Waanan kaaga mahad celinayaa , ilaaheyna waxaan kaaga baryayaa inuu kaa abaal mariyo. Mar toos laguula soo xidhiidhayey, TV ga Somali Chanel ayaan damcay in aan hawwada kuu soo mariyo Hambalyo & Bogaadin, waanse ku dhici kari waayey. Waxaan xaqiiqsaday in aanan xakameyn kareynin dareenkayga waqtigaa, oonan hadliba kareynin in aan farxad la ooyo mooyee. Sida aad u dareemeyso dhibaatada & waalidhaqanka qaadku leeyahay ayaan kuula dareemayaa.
Xilligaan soo kacayey, aniga iyo dhalintii aynigeyga ahayd, badi intayadii wax baranaysay HAL baanu ka sinnayn meel kasta oo aanu gayiga Soomaalida kaga nooleyn. Waxaanu ka sinnayn oonu ku taami jirney in aanu mar uun ku biirno saraakiishii ciidamadii qalabka sidey ee dalku lahaa oo ay ku jiraan golihii sare ee kacaanku.
Waxaa (Role model) wax ku dayasho mudan noo ahaa, saraakiishii markaa ciidanku lahaa. Waa intaaney Qaadka wada baran. Waa intaan wali qadhaadhku wada gaadhin. Waa intaan wali xarku galin. Waa intaan aqoontii abtirsiimadu badalin. Waa intaaney kuwii uulada la wada qoray kala qaloonin. Waa intaan kuwii weel wax ku wada cuni jirey kala baqin. Waa intaan kuwii laba sariirood oo is bar-bar yaala kala seexan jirey kala irdhoobin. Waa intaan Alifle Gass soo ifbixin. Waa intaanuu wali kala daadan. Waa intaanuu qolo-qolo u qaybsamin. Waa intaan dantu mid walba aqalkii hooyadii u wajaafin. Waa intaaney shaadhadh kale soo wada gashanin. Waa intaaney sheydaan wada noqonin. Waa intaaney shisheeye u wada shaqaynin. Waa Intaaney qabqable dagaal darajo wada moodin. Waa intaaney hogaamiye kooxeed wada hungureynin. Waa intaan qaarba meel shacabkoodii ku dubanin. Waa intaan shaki ka galin, bari waxay ahaan jireen.
Wixii rag u kaco, Dumarkuna ku raacaan
Rabbina aqbalo, waa rumoobaan.
Caqliweyne Abukar Awale (Qaad diid). 2013
Caqliweynow maantana soomaali dhamaanteed, Adigaa (Role Model) u ah. Adigaa ku dayasho mudan. Adigaa qaadka diidey dulleeya kii cuna. Adigaa daweeyey waali dhaqankiisii. Adigaa is xilqaamay oo gaadhay go’aan adag. Adigaa dadaaley oo u daneeyeey dadkaaka. Adigaa uga digey daamirigey daldalaayeen. Adigaa u daalay oo u dibjirey danahooda. Adigaan doolar dalban iyo dahab toona. Adigaan odhan dan guud baan wadaaye ha la soo diro duunyo. Adigaa David Cameroon iyo la dooday dawladiisa. Adigaa dibadda dhigay kuwii dhiiga dadkaaga durduuran jirey. Adigaan dan ka galin dibindaabyo iyo docwareen toona. Adigey kugu diirsadeen dumarkii iyo carruurtuu qaadku duleeyey. Adigey kugu daaleen kuwii ka daneysan jirey. Adigaa dajiyey dayuuradahay ku daabulayeen. Adigaa dantey Kenya ka lahayd dabool ka saarey. Adigaa dawladeenii yidhi: igu dayoo danaha guud u dadaala. Adigaa tusay in Kenya lala doodi karo. Adigaa tusay in suntey la wareegayaan laga daadin karo. Adigaa tusey hadey naga deyn waayaan in lala diriri karo.
Caqliweyne Abukar Awale, waxaad mudantahay in ruux kasta oo damiir lihi oo dareemi karaya fikradaada uu ku xuso. Kuu hiiliyo. Ku taageero. Kuu hambalyeeyo. Kuna bogaadiyo. sadaradan waxaan u qorayaa, hadaan taageeradii af & adinba gabay in aan qoraal dareenkayga iyo taagaaradayda hawsha aad ku jirto aan ku muujiyo.
Dr. Martin Luther King oo ahaa halgamaagii xuquuqda aadanah, sinaanta iyo dabargoynta midab takoorka maraykanka ayaa maalin ay taariikhdu ahayd 28.Aug.1963 waxaa halkii uu
Ka hadlayey isugu yimid mar qudha dad kor u dhaafay 250,000. Waxaa lagu wareeray oo lagarankariwaayey siday ku dhacdey in dad intaa tiro le’eg, ay mar qudha, meel qudha, waqti qudha isugu yimaadaan iyadoo aanay jirin wax lagu wada xidhiidhaa sida SMS, Facebook, Twitter iyo Internet toona. Aaladahaas oo aynu ugnahay doorka ay manta ka ciyaarayaan isu soo baxyada sida kuwa Beerta Xorriyadda ee Qaahira. Khudbaddaa Dr. King ee halkudhageedu ahaa: Waan Riyooday (I have a dream) waxay isugu yimaadeen dadkaa faraha badani oo waliba ka kala yimid meelo badan oo aad uga fogaa magaalada Washington oo ay usoo raceen dayuurado, Basas, qaar kalena Tareeno waxay ahayd oo qudha: Inay dhamaantood dareemeen fikirkii iyo wixii uu dareensanaa Dr. King. Markuu la hadlayo dadka ma odhan jirin: Waxaan rabaa. Ee wuxuu odhan jirey: Waxaan aaminsanahay.Waxaan dareensanahay. Sidaasaa dadkii aaminsanaa wuxuu aaminsanaa ugu yimaadeen. Ugumey iman iney isaga jeclaayeen. Waxay ugu yimaadeen, iyagoo dareemay wuxuu dareensanaa. Waliba, dadkaa kor u dhaafayey, Rubuc Malyuunka, waxay 25% ahaayeen dad caddaan ah. Waxaan aaminsanahay in dadka dareemi kara waxaad dareensantahay aanay ku koobnayn Soomaalida. Waxaa kuugu daliil ah dadka qaatay go’aanka mamnuucidda Qaadka (UK) iyo kuwii kale ee ku soo bogaadinayey, haba u badnaadeen dumarka eh inay dareemeen waxaad dareensantahay. Aamineenna waxaad aaminsantahay. Dadka dibindaabyada iyo weeraka kugu hayey ama kugu hayn doona Soomaali kuma koobna. Waxaa igu maqaala ah, in dad Carab ahi lahaayeen: Eesh haadaa Soomaali?. Majnuun huwa?, Eesh yakhusu? Haadaa mush shuqlahu, iyo wax la mid ah.
Ha daalin. Soomaali baad tahay Soomaali dabar Xoog badan oo ku duuduubnaa ka goyey. Soomaali waxaan leeyahay, wuu mudanyahay eh, Caqliweyne Taalo ha loo dhiso. Ha lagu daydee Meelo muhiima, sida iskuulada, dhakhtarada, Hay’adaha iyo Beeraha xoriyadda ha lagu magacaabo.
Waa la arki doonaa ninkaan dhiman ubadkaaga iyo ubadkiisa oo ku faanaya halgankaa aad ku jirto maanta Caqlieynow.
Mahadsanidin;
W/Q: Ahmed A. Ali
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com