Muqdisho: (pp)- Madaxweynaha DF ee soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kala hadlay saraakiisha Ciidamada siddii loo adkayn lahaa ammaanka magaalada Muqdisho oo asbuucyadii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal ammaanka lidi ku ah.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira magaalada ee loo geysanayo dadka shacabka ah aan loo dulqaadan doonin , isagoo saraakiisha ammaanka ka codsay in si deg deg ah ay wax uga qabtaan dhibaatooyinkaas.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay oo kale musuq maasuq ku baahay dhanka ciidamada , sida hubka iyo raashinka oo uu sheegay in aan loo isticmaalin siddii la doonayey, dhanka kale askarigii danbi gala ayuu sheegay in la maxkamadayn doono, laakiin uu danbigaas kula jiro sarkaalka xakuma , maxkamadna la soo taagi doono.
Dhanka hubka oo uu ka hadlay ayuu sheegay in Soomaaliya hal sano lagu tijaabinayo sidda ay hubkeeda ay isticmaasho, wuxuuna ku adkeeyey saraakiisha ciidamada in la dhowro hubka , si wanaagsana loo isticmaalo hubka dowlada ee cadowga lagula dagaalamayo.
Saraakiisha ciidamada ayuu kula dardaarmay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga Alshabaab , kuwaas oo aan doonayn inuu wadanku ka dhaco wax nabadgelyo ah.
Sikastaba, hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaaya waqti ay habacsanaan xoogan ka jirto ammaanka magaalada Muqdisho, hubkii ciidamadana si aan sharci ahayn loo kala qato halka hubka qaarkiis uu weli gacanta ugu jirto maleeshiyaad weli u qalabaysan siddii waqtigii qabqablayaasha , kuwaas oo aan lahayn aqoon ciidan iyo anshax askareed oo dalka lagu badbaadin karo.
Puntlandpost.com