Kismaayo: (pp)- Ciidamo beeleed ka kooban 10 oo uu watay Iftiin Xasan Baasto ayaa isu dhiibay Gen. Darwiish oo ka mid ah masuuliyiinta dhanka ammaanka iyo Siyaasada ee maamulka Jubbaland State.
Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ahaa ragii saaka maleeshiyaadkiisa lagu weeraray Dalcada, ayaa la soo baxsaday maleehiyaad isaga waardiyeynayey soona galay magaalada , waxaana 2saac kaddib markii lagu faraxashay maleeshiyaadkii uu hogaaminayey uu si dhuumaalaysi ah kusoo galay Hotel Qiilmawaaye oo uu degan yahay Gen. Darwiish , wuxuuna Baasto lagu soo dhoweeyey hotelka uuna ku hagoogtay Gen. Darwiish , kaddib markii Ciidamo Jubbaland State ka mid ah oo ay ku daba-jireen si ay soo qabtaan.
Gen. Darwiish ayaa saraakiisha Jubbaland State ee daba socday Iftiin Baasto u sheegay in isaga loo daayo , maadaama uu ugu soo galay hoyga uu ka degan yahay magaalada Kismaayo.
Itiin Xasan Baasto ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii laga masruufayey magaalada Muqdisho , loona adeegsanayey inuu majaxaabiyo Maamulka Jubbaland State, waxaana u suurtageliyey maamulka Jubbaland inay ka guulasytaan raga Muqdisho laga masruufayey bulshada ku dhaqan deegaanka Jubbaland State oo mowqif guud ka istaagay in si guud loola dagaalamo kooxaha Caado qaatayaasha ah ee ka haray qab-qablayaashii Soomaaliya , isla markaana ay adeegsanayso dowlada uu hada garwadeenka ka yahay Xasan Maxamuud oo shacabka Jubbaland waqtigan u haystaan inuusan matalin shacabka Jubbooyinka.
Barre Hiiraale, ayaa isagana la sheegayaa inuu u cararay dhanka Beerxaani, halka warar kale ay sheegayaan inuu u cararay dhanka Goobweyn oo ay sugan yihiin Alshabaab.
Barre Hiiraale ayaa dhumiyey hankii ay ku qabeen beesha Sade Daarood ee uu ka soo jeedo, kaddib markii loo arkay inuu yahay nin loo adeegsanayo burburinta hanaanka beeshu ay ku doonayso maslaxadeeda guud ee ay la wadagaan beelaha Walaalahood ee Jubbaland ku midoobay, arrinkaasi wuxuu keenay inuu magaalada ku gabban waayo oo uu isaga baxay.
Madaxweynaha Jubbaland State, Gen. Fatraag, ayaa marar badan ka dhawaajiyey in Barre Hiiraale ay Beeshu wax ka ka qabato , si uusan khalkhal u gelin maslaxada Jubbaland State, laakiin arrinkaas waa lagu kala fakir duwanaa , waxaana dagaaladii uu bilaaabay fursad dahabiya ay siisay in dhinac laga noqdo oo Xabada uu bilaabay haddii uu ku geeriyoodo inysan jirin cid loo qabsanayo masuuliyadeeda.
Puntlandpost, Kimaayo , Jubbaland State.