Kismaayo: (pp)- Dagaalo qaraar ayaa saaka mar kale ka qarxay Magaalada Kismaayo iyadoona sida ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka jubaland oo dagaalka kula jira maleeshiyada uu hogaaminayo Bare Hiiraale ay sheegeen in dagaalka saaka mar kale la isku faro saarey uu yahay mid ka soconaya hadda xaafada dalcada oo xalay labada dhinac-ba ay isku horfadhiyeen.
Khasaaraha dagaalka Kismaayo ee maanta looma war hayo madaama dagaalku uu yahay soconaya oo xabada labada dhinac-ba ay si xoog ah ku socoto, iyadoona goobaha dagaalku ka socda lasoo sheegayo dhaawacyo laga soo gurayo oo lasoo gaarsiinayo isbitaalka Magaalada Kismaayo.
Dagaaladan oo ah kuwo galay maalintii afaraad ayaa waxaa horey uga dhashey dhimashada ku dhawaad 100 ruux oo ka tirsan dhinacyada dagaalamaya, iyadoona Maamulka Jubaland dagaalka uu ku eedeyey inay yihiin kuwo ay kula jiraan Maleeshiyo ka tirsan Alshabab oo garab siinaya Maleeshiyada Barre Hiiraale iyo Iftiim Baasto oo ay Jubaland sheegtey inay iyana taageero habeen iyo maalin dhinacooda ay kala dabo joogoto DF Somalia.
Kala soco Puntlandpost faahfaahinta dagaalada Kismaayo ka soconaya.
Puntlandpost.com
Kismaayo