Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Dhageyso: Culimada Somaliyed ee Al-Ictisaam oo ka hadashey cida iska leh xukunka iyo Cadaalad horkeenida Shiikh Xasan Daahir Aweys.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Shiikh Bashiir Salaad oo ka mid ah Culimo udiinka Ictisaam ayaa ka hadlay imaanshiyaha Shiikh Xasan Daahir Aweys uu kaga soo baxsadey kooxdii uu ku jirey sanadihii lasoo dhaafey ee Alshabab, wuxuuna sheegey in uusan garan karin nooca uu yahay qorsha uu ku socdo ilaa isagu soo bandhigo mooyaane.

Shiikh Bashiir Salaad

Shiikh Bashiir Salaad

Shiikh Bashiir ayaa wareysi ay la yeelatey warbaahinta afka Somaliga ku hadasha waxa wax laga weydiiyey Aragtida Culimo udiinka Ictisaam ka qabaan inuu kaga soo laaban karo Xasan Daahir Aweys Mowqiifkii uu Alshabab kaga mid ahaa, madaama uu xubin madax ah ka ahaa markii Alshabab ay geysanayeen dilalka gudaha dalka Somalia ay ugu geysteen Culimo udiin ka tirsanaa hay,adda Culimada Somaliyeed Sida Dilkii Marxuum Shiikh Cabdulqadir Nuur Faarax, Dr Shiikh Axmed Xaaji C/raxman iyo Dilal kale oo Dad badan siyaabo kala duwan Alshabab loogu eedeyey inay iyagu u fuliyeen.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Shiikh Bashiir.

Waxaana uu sheegey Shiikh Bashiir in Dalka ay ka jirto Dowlad, ayna iyadu leedahay wuxu mudan yahay iyo sidii laga yeeli lahaa go,aankaas uu u yaalo Dowlada, isagoona sheegey in uu u maleynayo Masuuliyiinta Dowladu inay haatan ku mashquulsan yihiin talaabadii la qaadi lahaa iyo sidii loo wajahi lahaa.

Shiikh Bashiir oo la weydiiyey inuu ku tirin karo Xasan Daahir inuu xubin ka ahaa xubnihii Alshabab ee culimada Ictisaam bartilmaameedsanayey, ayuu kaga jawaabey Shiikh Su,aasha.

AUN, Sh, Abdulqadir oo ka mid ah Culimadii Alshabab dhishey

AUN,Sh,Abdulqadir oo ka mid ah Culimadii Alshabab dhishey Xilli uu ku tukanayey masaajid gudiisa magaalada Garowe.

Ururka Alshabaab ayaa dalka galiyey dhaqamada xun xun , ayaga ayaa Culimada iyo Ummada kale gaaleysiinteeda iyo handadaad iyo cago jugleyn wixii dhacay oo dhan iyaga ayaa ka danbeeyey , Xasan ka mid buu ahaa, anigu midna gooni uma soocayo waayo Alshabab waa urur ka talinayey meelo badan oo wadanka ka mid ah oo leh go,aanka iyo amarada uu ku meel marayo fulintooda,  waxayna ila tahay aniga shaqsigaasi waxa lagu leeyahay iyo waxaan lagu lahayn iyo waxa uu mudan yahay waa kuwo u yaala Maxkamado Ayuu ku sheegey Shiikh Bashiir Salaad sida ay ula muuqato qaabka lagu wajihi karo Shiikh Xasan Daahir.

AUN, Sh, Axmed oo Alshabab Bosaso ku dileen.

AUN, Sh, Axmed oo Alshabab ku dishey Masjid uu kusoo tukadey salaada subax ee Bosaso .

Shiikh Bashiir oo la weydiiyey Su,aalo Muhiim ah oo wax laga weydiinayo inuu cadeeyo ra,iga culimada uu ka tirsan yahay ee Ictisam waxa uu sheegey in mowqifka ay soo jeediyeen ka culimo ahaan uu la xiriirey joojinta dagaalka Alshabab umada Somaliyed kula dagalameyso, islamarkaana mowqifkaasi hadii uu suurtoobo uu noqonayo kan mar walba Culimo udiinku soo dhaweynayaan.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Alshabab kasoo goostey.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Alshabab kasoo goostey.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo laga filayo inuu gaaro magaalada Muqdisho ayaa sanado badan kasoo mid ahaa Madaxda Alshabab oo lagu eedeynayo inay iska lahaayeen masuuliyada dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ee loogu geystey dad faro badan, midaas oo sida muuqata dad badan sheegeen inay ku wanaagsan tahay Maxkamad lasoo taago lana baaro oo lasoo cadeeyo danbiyada qof walba leeyahay iyo midka aan lahayn.

Puntlandpos.com
Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>