Odense: (pp)- Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo ka dhacayday magaalada Odense ee dalka Denmark oo ay ka soo qayb galeen bulshada dinacyadeeda kala duwan ayaa lagu soo dhaweeyey isla markaasna lagu taageeray dhismaha maamulka Jubbooyinka & Gedo ee hadda ka socda magaalada Kismaayo.
Xafladaas oo ay ka hadleen dad isugu jira Aqoonyahano, Saraakiil hore iyo Hooyooyinka , dhalinyaro ayaa aad loogu soo dhaweeyey dhismaha maamulka Jubbooyinka Gedo, iyadoo masuuliyiintii meeshaas ka hadlay ay dhammaantood cod buuxa ku taageereen dhismaha maamulkaas, iyagoo dhanka kale DF ee Soomaaliya ugu baaqay inay taageeraan shirkaas, isla markaana dadka deegaanadaas ay ka daayaan faragelinta siyaasadeed ee ay ku wadaan.
Sikastaba, Xafladaas oo si wanaagsan lagu soo gaba-gabeeyey ayaa baaq guud loo gudbiyey bulshada deegaanadaas, iyagoo lagula dardaarmay in wanaaga deegaanadaas ka socda ay taageraan, kana shaqeeyaan adkeynta nabagelyada deegaanadaasi.
Ma aha magaaladii ugu horeysay ee ku taal dalka Denmark ee lagu taageero maamulka Jubbooyinka & Gedo, waxaana horay Xafkad noocaan oo kale ah horay looga sameeyey magaalooyinka Århus iyo Copenhagen oo lagu taageeray Maamul dhismeedka deegaanadaasi.
Warbixino kale la soco–