Bandhig buugeedkii 9aad ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland. Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland carwo buugeedkii sanadkii 9aad.
Kulankan waa bandhigga ugu weyn uguna fac weyn ee ka dhaca qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom Publishers & maktabadda magaalada Helsinki.
Sanadkan waxaa qeyb libaax ka qaatay barnaamijkan furitaankiisa qoreyaasha Soomaalida hormuudka u ah lagana soo casuumay dalal kala duwan. Qoreyaasha ka soo qeybgalay sanadkan waxaa ka mid ah:-
1. Prof. Cabdalla Cumar Mansoor ahna khabiir ku takhasusay cilmiga afafka.
2. Dr. C/salaan Xaaji Max’ed
3. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
4. Dr. Max’ed Sheikh Xassan Nuur
5.C/casiis Cali Ibrahim “Xildhban”
6. Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan.
Bandhiggan waxaa furtay maamulaha guud ee maktabadda Helisinki oo gacmo furan bogaadin ku soo dhaweysay dhammaan dadweynihii ka soo qeybgalay barnaamijkan isla markaana si gaar ah ugu mahadcelisay, qoreyaashii ka kala yimid dalal kala duwan sida qaaradda waqooyiga America & dalalka Midowga Yurub.
Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq ballaaran ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan Max’ud Cali “JIIMI” oo mudane laga soo doortay deegaanka Espoo, ahna qabanqaabiyeyaasha joogtada ah ee barnaamijkan.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in kulankani ay gacan ka geysteen ururrada kala ah:- Finland – Somalia association, Helina Ruatavaara Museum & Pasila Islamic Centre, Masaajidyada kala ah Itakuskus.
Qoraaga Max’ed Sheikh Xassan oo ka hadlaayay xiritaanka kulanka maalinta 1aad ayaa carabaabay in sanadka soo socda uu ku beegan yahay sanadguuradii 10aad ee carwo buugeedka lagu daryeelo laguna kobciyo illaalinta Afka, Dhaqanka & Taariikhda Soomaalida, wuxuuna hadalkiisa ku soo gebagabeeyay in xuska sanadguurada 10aad noqon doonto munaasabaddii ugu meel ka ka baxsan Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna gacan
weyn ka geystaan xuskaasi.
Kulankan ka socda Helsinki wuxuu soo gabagaboobayaa maalinta berrito ee Sabtida, bandhiggan qeybtiisa 2aad waxaa lagu qaban doonaa maalinta Axadda taariikhduna tahay 12ka bisha May, 2013 magaalada TURKU. Ka soo qeybgal wacan.
Daawo Sawiro Kale