Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo xalay kasoo jeediyey Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garowe Khudbad dheer ayaa kaga hadley qodobo dhowr ah oo ku aadan hanaanka federaalka, dib u dhiska wadanka, Shirka London lagu wado in lagu qabto, Puntland iyo Hanaanka Asxaabta, Dib usoo celinta qaxootiga Somalida.
Dhegeyso: Xasan Sheekh Madaxweynaha DF ee Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbadiisa ku bilaabey mahad celin balaaran oo usoo jeedinayo Dadka Puntland iyo Dowladooda doorkii ay kasoo qaateen ka bixitaankii nidaamkii KMG-nimada Soomaaliya, wuxuuna sheegey in Dowladiisu jawaab ka bixineyso cabashada arrimaha qeybtood wadanka ka jirra, wuxuuna sheegey inay jiraan tabashooyin kala duwan oo loo hayo dowladiisu , midaasna aan loo maleyn karin kuwo dhayalsan karro.
Madaxweynaha DF Somalia wuxuu khudbadiisa diirada si xoogan ugu saarey dhib u dhiska wadanka wuxuna sheegey in Somaliya dowladnimadeedu ay kusoo laaban karto samir iyo isu tanaasul aad u badan oo ka yimaada dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada Siyaasada majaraha u haya.
Arrimaha Federaalka.
Mudane Xasan Shiikh Mar uu ka hadlayey Arrimaha Federaalka ayuu sheegey inay tahay mid curdun ah oo bilow ah, isagoona sheegey in dhamaan dhinacyada Somalida looga baahan yahay gaarsiinta heerkii loogu talo galey .
Wuxuuna intaas sii raaciyey inaysan suurto gal ahayn wax walba oo bilow ah in dhakhso ay ku fulaan, hadalkaas oo loo micneyn karro xilligan in dowladiisu u diyaar garowdey dhismaha maamulo Gobol.
“Maanta oo ay dhalatey oo ay bilo jirto, hadii aan ka sugno inay dhaamiso oo ceel saddex subaxley ah biyo ka keento,Waxaan is leeyahay aad baan ugu niyad jabeynaa,Waa sidii sheekaddii ninkii geel jiraha ahaa ee yiri inta uu ceel biyood yimid war geella ila shubba, nin ayaa isoo dabo socda, cabaar markii la joogey-na la weydiiyey ninkii soo dabo socdey,ka dibna uu ku jawaabey waa nin xalay dhashey” ayuu yiri Xasan Shiikh.
Sidoo kale wuxuu sheegey Madaxweynuhu in arrinta Federaalism-ka ay tahay Qodob Dastuuriya oo ku taal dastuurka dalka u yaal, islamarkaana aysan jirin wax ka bedel lagu sameyn karro, ayna ahayd midii uu xilka ugu dhaartey markii la doortey in uu dalka ku maamuli doono, balse ay jiraan wadooyin loo marayo oo u baahan in la isla fahmo.
Xasan Shiikh Maxamud ayaa si dheer uga hadlay arrimaha Federaalka wuxuuna sheegey in ay u baahan tahay ka baaraan degid qaabka loo hirgalinayo, isagoona sheegey inuu walaac ka qabo hadii deg deg loo abaaro oo u ka cabsi qabo in uu noqdo mid fashil ku yimaada.
Madaxweynaha oo u muuqanayey hadalkiisa ku aadan hirgalinta ama ku dhaqanka nidaamka Federaalka ee xilligan mid uu ka war wareegayo ayaa kasoo jeediyey hadal dheer oo uu dhowr mar kaga soo cel celiyey inay u baahan tahay ku noqosho iyo fikir dheer oo ku saabsan sidii dib loogu noqon lahaa qaabka lagu fulin karro iyo xilliga ku haboon.
Shirka London
Madaxweynaha DF Somalia waxa uu sheegey in safarkooda Puntland ku yimaadeen ujeedooyinka ugu muhiimsan ay ka mid tahay ka qeyb galka shirka London lagu wado in uu ka furmo 7 May , kaaasi oo ka hor uu sheegey inay doonayaan sidii ay isugu biirsan lahaayeen wixii fikrado ah oo ku saabsan Puntland iyo Waftigiisu, ka dibna ay qaadan doonaan talaabo ku haboon sida ay u wajihi doonaan ka qeyb galidiisa.
Wuxuuna sheegey Mudane Xasan in shirkaasi ahmiyad weyn uu u leeyahay taakuleynta Somalia oo la doonayo in lagaga gacansiiyo horumarin kala duwan , sidoo kalena Dowladu kusoo bandhigi doonto waxyaabihii u qabsoomey iyo caqabaadka ka jirra baahiyaha wadanka hortaagan.
Soo Celinta Qaxootiga Soomaalida.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Waxa uu carabka ku dhuftey inay jiraan wada hadalo dhex marey dhawaan Dowlada uu madaxda ka yahay iyo Dowladaha dariska la ah Somaliya ayna ka wada hadleen sidii dalka dib loogu soo celin lahaa qaxooti faro badan oo ku dacdareysan xeryaha wadamadaasi.
Xasan Shiikh Maxamud oo ka hadlayey safar uu labo maalin ka hor ku gaarey Magaalada Bombasa Dalka Kenya ayaa sheegey in qodobkii ugu muhiimsanaa ee ay ka wada hadleen Madaxda Kenya uu la xiriirey Qaxootiga Somalida ee halkaas ku nool oo uu sheegey in Hay,adda UNHCR warbixino dhowr mar kasoo saartey ku iclaamisey in dad aad u faro badan oo Somaliya ku diiwaan galisey xeryaha Kenya.
Wuxuuna sheegey in Dowladiisu qorsheynayso inta uusan sanadku dhamaan inay dib guryahoodii ugu soo celiso qaxootigaas iyo kuwa kale ee maqan guryahoodii, sidoo kalena wuxuu magac dhabay in barnaamijkan ay ku celin doonaan isla barakacayaasha ka barakacey guryahoodii ee ku nool isla gudaha wadanka meelo ka mid ah.
Hanaanka Dimuqraadiyeynta Puntland.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo soo hadal qaadey hanaanka Puntland dooneyso inay u gudubto ee Xisbiyada ayaa ku tilmaamey sida uu aaminsan yahay in uu yahay mid loo marey wado wanaagsan, islamarkaana uu qabo talaabadii loo wajahay ay ahayd midii ugu habooneyd.
Waxa uu sheegey in maanta waxa suurto gala, laga yaabo in aysan suurto galin 10 sano oo soo socda, taasi loo baahan yahay in dadku ogaadaan ayna ka faa,iideystaan horumar walba oo la sameeyo,islamarkaana ay tahay qaabka hadda Puntland u bilowdey mid waxbarasho u ah Soomaaliya.
Gabo gabo
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadiisu ahayd mid socotey muddo 40 daqiiqo , wuxuuna qodobka ugu dheer ee khudbadiisu la xiriirey Hanaanka Hirgalinta Nidaamka Federaalka oo marka loo eego hadalkiisa uusan mowqif rasmiya ka muujin.
marka laga reebo in uu hadalka kusoo celceliyo arrintan oo u baahan deganaan loo wajaho, islamarkaana laga ilaaliyo deg deg iyo wax la hal maala sida uu khudbadiisa ku muujiyey Madaxweynuhu.
Marka loo eego Madaxweyne Xasan Shiikh Dhigiisa Madaxweyne Faroole aragtida uu ka qabo nidaamkan ku dhaqanka Federaalism-ka waa mid si weyn uga bedelan qaabka uu u dhigayo Madaxweynaha Somalia, balse waxaa ka war sugeynaa wada hadalka u bilowday Puntland iyo Dowlada Federaalka is afgaradkiisa.
Puntlandpost.com
Garoowe.