Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Madaxwaynaha Puntland oo xarunta Agoomaha Gaalkacyo booqday (Sawirro)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah ee magaalada Gaalkacayo. wuxuuna halkaasi kula kulmay masuuliyiinta xaruntaasi iyo caruurta agoonta ah ku nool xaruntaasi.

Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday dhamaan caruurta agoonta ah ee ku nool xaruntaaasi, wuxuuna ka waraystay xaalkoodu sida uu yahay iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Caruurta agoonta ah ee ku jira xarunta agoonta ee magalada Gaalkacayo ayaa madaxweynaha u sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimi maanta, waxayna u sheegeen inay fiican yihiin oo ay caafimaad qabaan, isla markaana ay haystaan waxbarasho tayo leh iyo maamul wanaagsan oo gacanta ku haya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xarunta xanaanaynta caruurta agoonta ee magaalada Gaalkacayo, madaxweynaha ayaa soo indha indheeyey hoolka ay ku qadeeyaan caruurta agoonta ahi, isagoo aad ugu farxay sida wanaagsan ee loogu diyaariyay goobta ay ku cunteeyaan iyo qolalka deegaanka intaba.

Madaxeyne Gaas waxa uu sidoo kale warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta gacanta ku haysa xarunta xanaanaynta caruurta agoonta ah ee magaalada Gaalkacayo , waxayna madaxwweynaha uga xog warameen xaalada guud ee xarunta iyaga oo sheegay in xaruntu ay aad u wanaagsan tahay balse ay jiraan bahiyo dhowr ah oo ubaahan in la wax laga qabto.

Waxay kaloo sheegeen inay taageero ka sugayaan masuuliyiinta Dawladda oo dhan si loo daboolo baahiyaha xarunta ka jira, si caruurta agoonta ahi ay u helaan nolol dhamaystiran.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa ballan qaaday in Dawladdiisu ay si gaar ah ula socon doonto xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah ee ku kala yaalla dhamaan gobolada Puntland.

IMG_9231 IMG_9232 IMG_9235 IMG_9238 IMG_9240 IMG_9242 IMG_9247 IMG_9249 IMG_9253 IMG_9256 IMG_9259 IMG_9263 IMG_9269 IMG_9273

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>