Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Daawo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle oo kulan tacsi iyo duco ah u samaysay Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya (Sawiro)

$
0
0

Waxaa magaalada Seattle ka dhacay isu imaatin ballaaran oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaani tacsi iyo duco si wada jira ugu dirayeen Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen iyo sidoo kale C/casiis Nuur Xirsi oo isasguna ahaa aqoonyahan caanka ka ah Soomaaliya qaybna ka noqday dowladihii Soomaaliya soomaray, isagoo sidoo kalena ka mid ahaa aasaasayaashii Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

1Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay aqoonyahan iyo waxgarad kala duwan oo dhammaantood wada tilmaamay kaalinta lixaadka leh ee ay labadaan marxuum kaga jireen halgankii Soomaalinimada iyo hoggaaminta dalka.

Daawo Video

Meelo kala duwan oo adduunka ka mida ayaa laga sameeyey isu imaatinno tacsi loogu dirayey Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, iyadoo tacsi qaranna loogu sameeyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sawiro kale Daawo

2 3 5 6 7 8 9 10

 

Bishar Abdi
independent journalist
Seattle, WA U.S.A
E-maila: Bishaarcc@gmail.com Bishaarcc@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>